Taliska Ciidanka Xoogga Oo Beeniyay In Ciidanka ay Ka Baxeen Degaano Dhowr ah.

0

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa been abuur kutilmaamay warar ay baahinayeen maalmahaan warbaahinta qaar kaasi oo ahaa in Ciidanka Xoogga Dalka ay faarujiyeen saldhigyo ay kulahaayeen Degaano katirsan Gobolka baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inaysan jirin degaan Ciidanka xoogga ay kasoo baxeen islamarkaasna Ciidanka ay kusuganyihiin degaanada Goof-gaduud iyo Deeynuunaay oo katirsan Gobolka baay.

“majirto sabab Ciidanka Xoogga Dalka ay uga waxaan Degaano ay kusuganyihiin Ciidanka Xoogga Dalka wuxuu diyaar uyahay inuu Dalka kasaaro cadawga Ummada Sooomaaliyeed  ee Al-Shabaab”, ayuu yiri Taliye Odawaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here