Xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweynayey Madaxweynaha Galmudug ayaa caawa lagu qabtay Magaaladda Istanbul ee dalka Turkey-ga.
Xafladdan waxa soo agaasimay jaaliyadda Soomaaliyeed eeTurkey, waxsana kasoo qeyb- galay Madaxweynaha Galmudug mudane: Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynihii hore Galmudug Mudane: Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo dadweyne fara badan.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo xafladda ka hadlayayaa ka digay in la fashiliyo shirka wajiga Seddexad ee ka dhacaya Magaaladda Dhuusa-mareeb.
“Shirka waqtii lagu ballamay ayuu ku dhacayaa, ilaa haatan ma heyno waxyaabo keeni kara in uu dib uga dhaco xiliga qorshuhu yahay, waxa aan bogaadinayaa kaalinta Dadka Galmudug gaar ahaan Shacabka Magaalada Dhuusamareeb oo martigeliyay Madaxda iyo xubnaha la socday” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.




