Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa Saakay Xukun ku riday Tifaftiraha Goobjoog Media Group ee Magaaladda Muqdisho Cabdi casiis Gurbiye.
Wariyaha ayaa mudooyinkii dambe Maxkmadeyntiisa waxa ay ka socotay Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Todobaadkii aynu soo dhaafnay soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwadda Wariye Gurbiye.
Daahir Carab oo kamid ah qareenada u doodayay Cabdi Casiis Axmed Gurbiye ayaa sheegay in Xeer ilaalinta ay soo bandhigtay eedeynta loo heysto Wariyaha sidoo kale qareenada dhankooda ay soo bandhigeen waxyaabaha ay ku difaacayaan Wariyaha.
Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa lagu xukumay saakay 6 bilood oo Xabsi ah iyo 5 Million oo Shillin Soomaali ah,waxay sheegtay Maxkamaddu in uu iibsan karo xukunka Maxkamaddu ridday.
Ugu dambeyntii Maxkamadda ayaa sheegtay in loo Cuskaday qodobka 368 oo ah faafinta war been abuur ah, waa sida maxkamaddu sheegtay.

