Madaxweyne Qoor-qoor iyo Gudoomiye Cumar Filish oo Kulan Yeeshay+Sawirro

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Ayaa Hoyga uu Ka dagan yahay Magaalada Muqdisho Ku Qaabiley Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho,Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish).

Labadda Mas’uul ayaa kawada hadlay arrimaha taagan ee siyaasadda dalka iyo isbadaladii dhacay maalmihii dambe.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), iyo Cumar Filish ay kawada hadleen khilaaf jirey oo ku aadan sababta uusan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ugu qeyb galin shirarkii Magaaladda Dhuusa-mareeb ka dhacay.

Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho,Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish),ayaa sidoo kale ka baaqsaday ka qeyb galka shirarkii Magaaladda Dhuusa-mareeb.

Sidoo Kale Cumar Filish ayaan ka qeyb galin soo dhaweyntii Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee Magaaladda Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here