Dowladaha Turkiga iyo Masar ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dowladaha ku loolamaya dalka libya, waxaana Turkiga uu taageereyaa maamulka Qaramada Midoobey ay aqoonsan tahay ee ku sugan caasimadda Tripoli, halka Masar iyo dowlado kale ay taageerayaan Janaraalka laga adkaaday ee Khalifa Xaftar.
Waxaa uu sheegay Wasiir Cawad in Ciidanka dowladda Soomaaliya aysan aheyn kuwo calooshood u shaqeystayaal ah, isla markaana waxaa uu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya aysan aheyn Ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah.
“Ma jiraan ciidan aan u direyno Liibiya, Ciidamada Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal” ayuu yiri Wasiir Axmed Ciise Cawad.

