Wasiir Falagle:-“Anaga DFS Cadaadis Kuma Saareyno in Dalka Doorasho Dadban ay ka dhacdo

0

Madaxda Maamul Gobaleeyadda dalka ka jira ayaa beeniyey in Dowladda Dhexe ee Soomaaliya  ay Cadaadis ku Saarayaan in Dalka Doorasho dadban ay ka dhacdo marka la gaaro sanadka 2021-ka.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in wararka la xiriira in Dowladda ay cadaadis saarayaan ay yihiin waxba kama jiraan.

Waxa uu sheegay in madaxda ku shirsan Magaalada Dhuusa-mareeb ay doonayaan in ay kawada hadlaan arrimaha doorashooyinka,iyo sida ugu macquulsan ee loo qaban karo.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in wajiga labaad ee shirka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda uu dhawaan furmi doono,islamarkaana loogu wada-hadli doono arrimaha doorashooyinka.

Shirkan oo loo asteeyey in uu ku qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ayaa ku saabsan hannaanka geeddi socodka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinasanayaan qodobbada muhiimka u ah dowlad dhiska dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here