Axmed Madoobe oo Kasoo Horjeystay in uu Kalmo Madaxweyne Farmaajo

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),ayaa kasoo horjeystay in uu kalmo Madaxweynaha Dowalada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo dhuusa-mareeb ay kuwada sugan yihiin.

Axmed Madoobe ayaa shalay galinkii dambe dib ugu laabtay magaaladda Dhuusa-mareeb,kadib markii uu safar ku tagay magaaladda Cadaado ee Xarunta baarlamaanka maamulka Galmudug.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in in Axmed madoobe laga dalbaday in uu la kulmo Madaxweyne Farmaajo balse uu arintaas gaashaanta u u daruuray.

Arintaan ayaa salka ku haysa Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo maamul Goboleedyadda dalka,taasi oo keentay in ay kulmi waayaan  labadda dhinac.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhowr jeer eedeemo u jeediyay Madaxweynaha Dowalada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here