Farmaajo iyo Madax Gobaleeyadda oo kulan gaar ah Uga Socdaan Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa kulamo kawada Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug.

Farmaajo ayaa la kulmay Madaxweynayaasha Maamulada Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Galmudug.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo waxaa kulamadaan looga hadlay sidii la isugu fahmi lahaa Shirka dhawaan ka furmaya Magaaladda Dhuusa-mareeb.

Shirkan oo loo asteeyey in uu ku qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ayaa ku saabsan hannaanka geeddi socodka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinasanayaan qodobbada muhiimka u ah dowlad dhiska dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa Madaxda Heer Dowlad Goboleed, waxgaradka deegaanka iyo bulshada rayidka ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here