Khasaaro naf iyo maalba leh ayaa ka dhashay kadib markii wabiga Shabeelle uu ku fatahay degaanno hor leh oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha hoose, waxaana lasoo sheegayaa in wabigu uu kusii fatahayo qaybo badan oo ka mid ah Gobalka.
Magaalada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha hoose waxaa ay ka mid tahay meelaha uu sida weyn u saameeyay, waxaana la sheegay in muddo lix bari ah uu magaalada ka socdo barakac ballaaran oo ay sameynayaan dadka degaanka, sidoo kale waxaa la sheegay in carrruur ay ku wax yeeloobeen daadadka ku fatahay.
Xaafadaha degmada Afgooye ayuu si weyn u saameeyay Wabigu, waxaana lasoo sheegayaa in dhowr xaafadod oo magalalada ka tirsan laga barakacay, Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Nuur Gaabow ayaa sheegay in sidoo kale wabiga uu ka fatahay tuulooyinka, Mareereey, Mooradiile, Raqayle,Baladul-Amiin iyo Sabiid & Caanoole.

