Ciidanka Booliska Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Burcad Dadka Dhac u Geysan Jiray

0

Wararka ka imaanaya qaybo ka mid ah maamulka Puntland ayaa ku warramaya in ciidanka ammaanka maamulka Puntland aya saacadihii lasoo dhafay ay halkaas ka wadeen howl galla amaaanka lagu xaqiijinayo, waxaana la sheegay in ciidanku ay gacanta kusoo dhigeen rag burcad ah dhibaato u gaysan jiray dadka degaanka.

Howlgallada ayaa laga sameeyay magalada  Qardho ee Gobal Bari waxaana la sheegay in cidiinku ay soo qabteen laba Nin oo xilliyada habeenkii ah dhac ka  gaysan jiray magaalada.

Ragga lasoo qabtay ayaa watay hub iyo sidoo kale taleefnada gacanta, waxaana sidoo kale ay ku labisnaayeen dareeska Ciidanka Puntaland sida ay sheegeen laamaha ammaanka Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar ee Puntland Cumar Hireed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka ay sameeyeen Ciidanka ay kusoo qabteen laba rag oo dhac geysan jiray, isla markaana lagu xiray Saldhiga Booliska Gobolka.

Magaalooyinka waaweyn maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhaca falal dhac ah oo lagula kaco shacabka ku nool magaalooyinkaas, waxaana xusid mudan in ciidanka Booliska Puntand ay sameeyaan howl gallo ay ku baadi goobayaan dadka falalka ammaanka liddiga ku ah ka geysta degaanada Puntland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here