Hoobiyayaal Lagu Garaacay Qaybo ka Mid Gobalka Shabeellaha Hoose

0

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa xalay ku dhacay Xaafado ka tirsan degaanka Janaale oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Marka, waxaana ka dhashay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in saddex ruux oo shacaba kana mid ah dadka deegaanka ay ku dhaawacmeen Madaafiicda ku dhacday Janaale.

“3-qof oo shacab ah ku dhaawacmay hoobiyaal ay Al-shabaab Shabaab ku soo tureen Gudaha Deegaanka Janaaale, Gudoomiyaha Janaale iyo Ciidanka Xooga dalka ayaa u gurmaday shacabka kana soo saaray guryihii ay waxyeelada ku soo gaartay” ayaa lagu yiri Qoraalka Maamulka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here