Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga Qaban-qaabada iyo diyaarinta xafladda xuska 01-Ogoosto oo ku beegan Aasaaskii dowladda Puntland ee Soomaaliya 22-sano kadib.
Waxaa guddiga qabanqaabada iyo diyaarinta xafladda maalinta Asaaska Puntland loo magacaabay wasiirada iyo masuuliyiinta hoos ku qoran:-
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska iyo Isgaarsiinta Cabdullaahi Cali Xirsi (Guddoomiye)
- Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Harumarinta Qoyska Aamina Cismaan X Jaamac (Xubin)
- Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada
Maxamed Xasan Ciise (Xubin)
- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada
Maxamed Cabdulqadir Cusmaan (Xubin)
- Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalaynta Maxamed Musadaq Maxamed (Xubin)
- Taliyaha Ciidanka Daraawiishta
Gen. Yaasiin Cumar Yuusuf (Xubin)
- Taliyaha Ciidanka Booliska
Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)
- Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada,
Cabdiweli Cali Cabdulle (Xubin)
-DHAMMAAD-

