Madaxtooyada Soomaliya oo War Kasoo Saartay Socdaalka Farmaajo ee Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Dhuusmareb ee xarunta maamulka Galmudug, war kasoo baxay madaxtooyada soomaaliya yaa lagu sheegay in farmaamjo uu saacadaha soo aaddan gaari doono Galmudug.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Abdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Farmaajo uu tagi doono dhuusamareeb ayna socoto qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo madaxweynaha.

“Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya Dhuusamareeb si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here