Nabadda Sugidda Maamulka Jubbaland oo Fashilisay Qaraxyo+Sawirro

0

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku fashiliyeen keyd  bambaanoyin iyo miino oo ay Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha gaar ahaan agaa suuqa sariiraha ee Magaaladda Kismaayo.

Sidoo kale ciidanka Nabad Sugida hawlgallo qorsheysan oo ay ka sameyeen aaga jiinka wabiga tuulada Yoontooy labadeeda Gedi waxaa ay gacanta ku soo dhigeen Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta miinoyinka dhigista iyo Qarxintoodaba waxaana ay qirayaan ragani in ayagoo hawsha Gacanta kula jira ay ciidanka Nabad Sugida soo qabteen.

Taliska Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada lagu baacsanayo,al-shabaab,islamarkaana la xoojin doono howlgaladda amniga lagu xaqiijinayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here