Al-shabaab oo Muqdisho Ku Dilay Mas’uul Dowladda Ka Tirsanaa

0

Al-shabaab ayaa Magaaladda Muqdisho ku dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay deegaan dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ayaa toogtay sarkaal katirsanaa taliska ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana Darajadiisa ciidan lagu sheegay,Sarreeye Guuto.

Xarakada Al Shabaab ayaa war kooban oo ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sarkaalka lagu dilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here