Jubbaland iyo Puntland oo Sharuudo Ku Xiray Shirka Magaaladda Dhuusa-Mareeb

0

Madaxweynayaasha Maamuladda Puntland iyo Jubbaland ayaa sharuud ku xiray ka qeyb galkooda Shirka magaaladda Dhuusa-mareeb,ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Labadda Madaxweyne ayaa Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor),ka dalbaday in Ciidamadda Haramcad ee Booliska Soomaaliya laga saaro magaaladda Dhuusa-mareeb,dibna loogu celiyo Magaaladda Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), ayaa wada dadaalo ku aaadan sidii loo fulin lahaa amarka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland eek u aadan In Ciidamadda Haramcad laga saaro magaaladda Dhuusa-mareeb.

Shirka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa looga tashanayaa arrimaha masiiriga ee dhanka siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa shirkan looga tashanayaan sidii ay shir degdeg ah isugu imaan lahaayeen Maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka, kaddib markii uu fashilmay shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ee qorsheysnaa inuu shalay oo 5 July dhaco, balse maamul goboleedyada aanay soo xaadirin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here