Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku riday askari ka tirsan Ciidamadda Booliska Soomaliya oo dhawaan Nin Odey ahaa Magaaladda Muqdisho ugu dilay 2-kun oo Shillin Soomaali ah.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir,waxaana odeyga la dilay lagu magacaabi jirey Cumar Xasan Macalin.
Nuur Daahir Geedi oo ah Askariga dilay Marxuumka ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkaas, isagoo u dilay muran ka dhashay laba kun oo shilin Somaali ah oo Odeyga kaga iibsan lahaa sigaar.
Xeer Ilaaliyada guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo Eedeysane Nuur Daahir, taasi oo noqoneysa qisaasta Marxuumka.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa warbaahinta u aqriyay Xukunka lagu riday askariga.

