Gabar yar oo 12 jir oo ku noolaan jirtay deegaanka Godinlabe islamarkaasna la’aa muddo 4 cisho ah ayaa waxaa meydkeeda laga helay deegaanka ceyn ee dhaca gabolka galgadud.
Meydka gabadhaani ayaa waxa la sheegay in ay arkeen rag dhagxaan ka qodanayay deegankaasi waxaana la sheegay meydka gabdhaan yar oo lagu magacaabijray caaisha maxmed shanley la arkay iyadoo geed ku xiran islamarkaasna labada gacmood laga gooyay lana gowracay.
Sidoo kale waxaan la sheegay in caisha maxamed ay aheyd gabar yar oo ayeeyo koris ah islamarkaasna ku nooled duleedka deeganka godinlabe ee gobolka galgadud
Taliyaha ciidanka booliska deeganka godinlabe Maxamed Ciise Abwaanka oo Taliyaha halka ay dhacdadu ka dhacday islamarkaasba la hadlay idaacadda simba ee muqdisho ayaa sheegay in meydka gabadhan oo muddo afar cisha ah ka maqneyd reer keeda ay rag dhagxaan godayay ay usoo urtay meydka gadhaha sidaasna lagu soo wargaliyay.
Waxaana uu taliyuhu tilmaamy in ay la xiriirren reerka gabadha baaritaan lagu sameyn doono in ay ku lug leeyihiin dilka gabadhooda.
Isagoo sidoo klae la sheegay in baaritaano lagu sameynay raga arkay meyka gadhaani yar oo is arxan dara ah loo dilay.
Si kastaba ha ahatee ma ahan markii ugu horeysay sidaan oo kale dhacdo nuucan ah ay kaga dhacdo deegaano dhaca gobolka galgadud iyadoo sidaan kale ay uga dhaceen falal nuucani oo kala ah oo gabadhaha yar oo ku nool deegaanadasi la isku daray dil iyo kufsiba intaba.

