Inta badan waxa soo noqnoqday eedeynta ay isu jeedinayan Maamulka Somaliand iyo dowlada dhexe ee soomaliya.
Horantii bishii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii caasimadda jabuuti ay ku kulmeen mas’uuliyiin kala matalayay dowladda iyo Somaliland waxana lagu heshiiyay qodobo dhowra balse dowlada aya lagu eedeeyay inaysan dhagangalin heshiiska madama somaliland ay meela badan ay xayiraad ka saran tahay.
Iyadoo taasi jirto waxa shalay magaalada hargaysa lagu waday inay kadagato diyaarad qaad wada oo u rarneyd ganacsato kasoo jeeda Somali-land balse aysan suurtagalin kadib markii dowlada Soomaliya ay amartay inaysan dagin diyaarada.
Cabdiraxaman daqare ayaa kamida dadka ka haday waxa uuna dowlada ku dhaliilay inay masuul ka tahay inaysan wali hirgalin qodobadii lagu heshiiyay.
Isku soo wada duuboo waxa uu kamid noqonayaa mas’uuliyin iyo aqoonyahano kuwasoo ka hadlay shirki jabuuti dowlada dhaliilay balsi Somaliland aya tan iyo burburkii ku andacoonysa inay tahay mamul madaxbanaan laakin dowlada farmajo ayaa wada inay dib usooceliso midnimadii waqooyi iyo koonfur.

