Xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Al-shabaab, wararka aya sheegaya in xildhibaanka oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa Jawhar iyo muqdisho ,gaar ahaan duleedka Tuulada Gololeey ayaa gaariga uu saarnaa ay kala dageen xubno ka tirsan shabaab, waxaana la sheegay in xildhibaanku uu ka yimid magaalada Jowhar isagoo kusoo wajahnaa magalada muqdisho.
Magaca Xildhibaanka ayaa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Siyaad, waxaana uu ka tirsanaa sida la sheegay xildhibaanada maamulka Hirshabeelle.
Odayaal la socday gaariga Xildhibaanka lagala dagay ayaa xaqiijyay in in shabaab ay xildhibaankaas gacanta ku dhigeen, inkastoo uusan jirin wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo ay kag hadlayaan wararka sheegay in xildhibankaas uu gacanta shabaab u galay.

