Dalladda SOMA oo ah Hay’ad warbaahineed ayaa canbaaraysay fal ay ciidan ka tirsan ay saaka kula keceen wariyaal ka tirsan Tv-ga Universal oo sida la sheegay ay ciidan ka tirsan dowladda ay qalabkii ka qaateen jirdil-na ay u gaysteen, wariyaasha ayaa duubayay bannaanbax ka dhan ah dowladda dhexe oo ay dhigayeen dad shacab ah.
SOMA ayaa sheegtay in ay ka xuntahay falka ay ku kaceen ciidanka dowladda” “Wariyaashu waxay xaq u leeyihiin inay duubaan cabashada dadweynaha in ciidamada dowladdu u gacan qaadaan waa sharci darro, waxaan dowladda ka dalbaneynaa in wariyaasha loo soo celiyo qalbkooda raali gelinna laga bixiyo arrintaas xadgudubka ah ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay SOMA.

