Al-shabaab oo Dilay Xildhibaan Ka Tirsan Maamulka Hirshabeelle ka dib markii ay Saaka Qafaasheen Xildhibaanka

0
Xoogag katirsan Xarakada Al shabaab

Xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa saaka waxaa Al-shabaab ay ku dileen degaanka yaaqle oo ka mid ah degaannada hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaanka ayaa kahor inta aysan shabaab dilin waxaa ay kala dageen Gaari uu kasoo raacay saaka magaalada jowhar, waxaana waddada ku helay xubno ka tirsan shabaab oo gaarigii uu saarnaa kala degay sida ay warbahinta u xaqiijeen dad la socday gaariga uu saarnaa xildhibaanku.

Magaca Xildhibaanka ayaa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Siyaad, waxaana uu ka tirsanaa sida la sheegay xildhibaanada maamulka Hirshabeelle.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegay in ay dileen xildhibaanka, warar lagu baahiyay baraha Internet-ka ee Shabaab taageera ayaa lagu sheegay in xildhibaanka oo muqdisho kusoo jeeday kana yimid dhanka magaalada jowhar ay shabaab qafaasheen ka dibna ay dileen.

Inta badan waddada xariirisa muqdisho iyo jawhar ayaa mid amingeedu uu aad u liito, waxaana Al-shabaab ay ka fuliyaan falal- afduub ah iyo weeraro toos ah oo lagula kaco masuuliyiinta ka tirsan dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabeelle.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here