Maamulka Soomaliland ayaa maanta Xabsiga kasii daayay fannaaniin u xirnaa maamulkaas, kuwaas oo lagu haystay eedeymo la xariira in ay magaalada muqdisho ee caasimadda Somalia kasoo heeseen kadibna ay dib ugu soo laabteen magaalada Hargeysa oo xarun u ah maamulka Soomaliland.
Fannaanintaan oo kala ah Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali ayaa labaduba in muddo ah u xirnaa Maamulka Soomaliland, waxaana horay uga xumaaday xariggooda qaar ka mid ah fannaaniinta soomaliyeed ee gudaha dalka iyo dabaddiisaba ku sugan.
Waxaana jiray baaqyo ay fannaaniinta qaar horay ugu soo jeediyeed madaxda sare ee maamulka Soomaliland, baaqyadaas oo ahaa in ay cabburinta ka daayaan fannaaniinta.
Sidoo kale dadka qaar ayaa siidaynta ku tilmaamay in Soomaliland ay dhaqan galinayso qaar ka mid ah Qadobadii kasoo baxay shirkii Jabuuti ku dhexmaray daowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland, waxaana qodobada ka mid ahaa in aan la dhibaatayn muwaadiniinta taga magaalada Hargeysa oo xarun u ah Soomaliland tira dhowr jeer ahna lagu xiray dad magic kuleh bulshada dhexdeeda, Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in kadib ka qeybgalkiisii shirkii u dhaxeeyay Somalia iyo Somaliland lagala hadlay sii deynta dadka ku jira Xabsiyada ee u xiran arrimo la xiriira isku socodka labada dhinac,iyada oo siideynta fanaaniintaan oo muddo Laba bilood ah xirnaana loo malaynayo in ay ku timid wadahadlkii Jabuuti.

