Wararka aynu ka helayno degaanka Qalan-Qalle ee Gobalka Galgaduud ayaa shegaya in saaka halkaasi ay ka tagn taahy xiisad dagaal oo u dhaxayso laba malleyshiyo beeleed, kuwaas oo laga yaabo in dagaal uu dhex maro maaddaama ay is hor fadhiyaan labada dhinac.
Waxana maamulka Galmudug ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo lagu joojinayo in halkaas uu dagal ka qarxo, waxaana xusid mudan in labada dhinac ay hora ugu dagaalameen degaanadaas, inkastoo mar lagu guulaystay in la kala dhex galo labada malleyshiyo.
Waxaana lasoo sheegayaa in Wasiirka Arimaha Guddaha Galmudug Cabdi Waayeel iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray degaankaas si ay labada dhinac ula kulmaan ayaa waxaa la sheegay in maleeshiyaadka iyo odayaasha labada dhinac ay dhagaha ka fureestay dalabka Wafdiga taas oo keentay in Wasiirku ku laabto Cadaado, Odayaasha degaanka ayaa ku doodayaan in Wasaaradda fulin weysay Amar ay ku joojisey deegaameynta cusub sida qodista Barkadaha , Ceelasha, Bacaha dhulka lagaliyo iyo Dhismayaasha kale, Guud ahaanba Galmudug kaasoo Wasiirku soo saarey 13-kii bisha May ee Sanadkan.

