Dowladda Soomaliya oo Ka Hortimid Warqad ay Saxiixeen Waddamada Carabta

0

Dowladda Federalka Soomaliya iyo Jabuuti ayaa si cad u diiday in ay ansixiyaan warqad kasoo ay soo ansixiyeen waddamada jaamacadda carabta, waxaana warqaddaan ay kasoo baxday dalka masar.

Qaraarkana ayaa ku baaqay in Ethiopia ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka ay ka sameysay Webiga Nile, inta ay heshiis buuxa kala gaareyso dalalka Masar iyo Sudan oo kasoo horjeeda.

Soomaaliya ma shaacin sababta ay u diiday qaraarkii shalay, hase yeeshee wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay 23-kii March sheegay in Soomaaliya ay mawqif dhexdhexaad ah ay ka qaadatay muranka u dhexeeya Masar iyo Ethiopia.

Itoobiya ayaa sheegtay inay bisha July billaabeyso buuxinta biyo-xireenka oo ka dhistay meel ku dhow xuduudda ay la wadaagto Sudan, oo uu ku qul-qulo webiga Nile.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here