Waxaa maanta qaybo ka mid ah maaaumulka Galmudug ka dhacay Bannaanbax ballaaran oo ay sameeynayaa wadayaasha mootada loo yaqaanno Bajaajta.
Waxaa Darawaliinta Bajaajta ayaa ay sheegeen inay ka cabanayaa cadaadis ay sheegeen in ay ku hayaan Ciidamada Booliiska ee Degmada ka howlgala,iyaga oo baaq u diray Madaxda Sare ee Galmudug.
Qaar kamid Bajaajleyda oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in, iyaga oo si joogta ah u bixiya Canshuurta gaadiidka laga qaado hadana lagu hayo caga-jugleyn dheeri ah sida in loo diido in ay dadwaynaha ka qaadaan ama ku dajiyaan Laamiga , in laga furay daahyada iyo sameecadaha iyo in laga qaado ganaax ka bilaawda $20 oo aysan awood u laheyn in ay dhiibaan.
Waxaa maalmihii danbe soo badanayay cabashooyinka ka imaanaya dhalinyarada ku shaqaysata moota bajaajta, waxaana ay ka cabanayaan qabka ay ula dhaqmaan booliska degaanada Galmudug oo ay sheegeen in dhibato ballaaran ku haayaan.

