Wiil Dhalinyaro ahaa oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Muqdisho ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa.

Falkaan Dilka ah ayaa ka dhacay xalay cishihii Xaafada Juungal ee Degmada Yaaqshiid, ee Gobolka Banaadir.

Wiilka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay abduqaadir Xaaji Cabdullahi Goosaar,waxaana dhawaan la sheegay in uu ka qalin jabiyay mid kamid ah Jaamacadaha ku yaala Magaaladda Muqdisho.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in kooxaha  hubeysnaa ay doonayeen in ay dhacaan Mooto uu lahaa,balse uu arinkaas diiday,taasina ay keentay in rasaas lagu furo uuna goobta ku geeriyoodo.

Ragii falkaan ka dambeyay ayaa ka baxsaday goobta uu ka dhacay falka dilka ah.

Dhacdooyinka noocaan oo kala ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay Magaaladda Muqdisho,waxaa inta badan geysta ragga ku labisan dareeska ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here