Baarlamaanka oo Kulan ka Yeelanaya Maqaamka Gobolka Banaadir iyo kuraasta Goboladda Waqooyi

0

Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku Leh Xarunta Villa Hargeysa ee magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir iyo Xeerka kuraasta Goboladda Waqooyi, oo ilaa haatan aan la cadeynin qaabka loosoo dooran doono.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu wargaliyay in kulanka ay yimaadaan.

Kulanka oo ah kii 6-aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here