Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ahaa oo Shalay lagu qaaday Xiro ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Deegaanka Bacaad-weyne ee Gobolka Mudug.
War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyay Ciidamadii ku sugnaa Saldhiga Bacaad-weyne.
“Al-shabaab ayaa weerar ismiidaamin ahaa ku beegsaday saldhig ay cidamadda Dowladda ay ka sameysteen deegaanka Bacaad weyn ee Gobolka Mudug, gaariga istish-haadiga ayaa beegsaday albaabka saldhigga laga waardiyeeyo waxaana halkaas ku dhintay 2 askaro gaari tiknika ahna waa ku gubtay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Sidoo kale Al-shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa ay si xun ugu dhaawacmeen 4 askari waxaana jira burbur iyo waxyeello gaartay gaadiid iyo sahay melleteri oo gudaha xerada Yaalay.

