Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee muqdisho halkaasi oo xarun KMG u ah xildhibaanada golaha shacab ee barlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Ajendaha kulanka maanta ay yeelanayaan ayaa ah ka doodista xeerka qoondada haweenka kaasi oo ka mid ah afarta xeer ee guddiga wadajirka ah loo xil saaray iney soo diyaariyaan waxaana la filayaa in xildhibaandu ay si qotadheer uga doodan xeerkaan islamarkaasna ah mid kamid ah xeerarka horyaala xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka faderaalka somalia loogana baahanyahay faaqidaad iyo lafa gurid dheer ka dib in xeerkaan ay meel marinyaan.
Kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabka ayaana la filayaa in xildhibanadu ay dood adag ka yeeshan xeerka qoonada haweenka oo kamid ah xeerarka xasaasiga ah ee larabo in xildhibadu ay ansixiyaan.
Sikastaba ha-ahaatee Xildhibanada barlamaanka fedaraalka somaliya ayaa waxa laga sugaya dhageysiga iyo meel marinta xeerar badan oo dalka ah iyadoo ay xusid mudanta ahay in muddo xileedka xildhibaanadda barlamaanka ay ka dhimantahay wax ka yar lix bilood waxaana larajeeynayaa in xildhibaanada waqtiga yar ee u haray inay ay ku meel marinyaan sharciyo badan oo muhiim ah.

