Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in saddex kamid ahaa dagaal-yahanada Al Shabaab ay isu soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje, ayaa sheegay In 3-dagaalame oo ka tirsanaa Al-shabaab ay isa soo dhiibeen.
Waxa uu sheegay in ragga isa soo dhiibay ay ku qanci waayeen hab dhaqanka dagaalyahnadda Xarakadda Al-shabaab.
“Sadex Dagaalame oo ka mid ahaa kooxaha nabadiidka ah ee Alshabaab ayaa isku dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Qaybta 21-aad ee fadhiisinka Ku leh Deegaanka Bacaadweyne oo hoostaga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug”, ayuu yiri General: C/casiis C/laahi Cabdi Qooje Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Sidoo kale Janaraal Qooje ayaa Tilmaamay in ragaan ay go’aankan qaateen kadib markii ay arkeen Xasuuqa iyo dhibaatada Nabadiidka ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
“Nawaaxiga Hobyo waxaa lagu sheegaa Shabaab inay meelaha ka dhow yihiin, soo sheega, lana soo wadaaga hay’adaha amniga. Ilaahay idinkii kama hawlgeli doonaan, lugna kuma yeelan doonaan wadankan. Sidoo kale haddii waa’ burcad badeed iyo wax noocaas lagu sheegi jiray u ogolaan mayno taako ka mida Galmudug. Nooma kala soocna Shabaab, burcad badeed iyo waxa lamidka ah, waan dabar-goyneynaa. Hobyana waxay noo sii tahay istiraatiiji, muhiim gaar ah ayayna noo leedahay. Waa la isugu yimid, wixii fitno u jooji jirayoo ka tashada oo ka tagga.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

