Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa kusoo laab-laabtay dagaal beleedyo u dhaxeeya maleshiyaad wada daga gobalkaas gaar ahaan dagmadda wala wayn iyo dagmooyinka hoos yimaada,waxanaa inta badan ay dagaaladaasi ay sameeyaan dadka shacabaka ee ku dhaqan deganadaas gaar ahaan dadka beeraleyda iyo xoola dhaqatada .
Mid kamid ah nabadoonada kaso jeeda Gobalka Shabeelaha hoose gaar ahaan dagmadda Walaweyn oo la so xiriiray idaacada Simba ee Magaaladdaa Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu mar kale ka qarxay degmadda islamarkaana qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta ay la safan yihiin mid kamid ah maleshiyaadka dagaalamaya.
Nabadoonka ka tirsan Nabadoonada kasoo jeeda Gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Walawayn ayaa kusoo aadaya xili dagmada mar kale ka qarxay dagaal beleedyo u dhaxeeya laba maleshiyaad beleed ee wada daga dagmada walawayn.

