Shil Dhimasho iyo Dhaawac Gaystay oo Muqdisho Ka Dhacay

0

Shil dhimasho iyo dhaawac gaystay yaa ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada muqdisho ee caasimadda Soomaliya, shilka ayaa si gaar ah ugua dhacay isgooyska fagax gaar aaan dhinaca xiga dgmada Kaaraan ee Gobalkani Banaadir.

Gaari la sheegay in noociisu ahaa Carra gaddiyaha ama iska rogaha uu ku fariin goostay goobo ganacsi oo laamiga ku teedsanaa, waxaana halkaas ku dhintay sida ay dad goob joogayaal ah inoo xaqiijiyaan hal ruux, waxaana sidoo kale ku dhawaacmay tiro intaas ka badan.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku sugan Isgoyska Fagax ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay,waxaana ay qabteen wadihii Gaariga, iyaga oo geeyay Saldhiga Booliska degmada Yaaqshiid.

Inta badan  shilalka Noocaan ah ayaa magaalada muqdisho ka dhaca waxaana loo sababeeyaa jidadka magaalada qaar kood oo aad u bur-bursan iyo darawaliinta kaxeeya gawaarida oo aan u dhamaystirnayn xirfaddaada darawalnimo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here