Ciidamadda Xoogga Dalka oo gaaray Deegaano Al-Shabaab ku Sugnaayeen+Sawirro

0

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Howlgal qorsheysan ku gaaray Deegaanka War-xoolo oo ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud kana mid ah Deegaanada  Alshabaab sida Dhuumaaleysiga ah ku joogeen halkaa oo ay isaga Carareen kadib markii ay ka war heleen in ay kusoo wajahan yihiin Ciidamada Qalabka Sida.

Alshabaab oo caburin iyo Cadaadis badan ku hayay dadka Deegaanka ayaa u cararey Dhanka Deegaanka Wabxo oo Dhowr iyo toban KM u jira Deegaankan iyadoo Ciidanka qalabka sida ay ka dajiyeen Deegaankan Calanka Alshabaab iyo Astaamohooda kale kuwaa oo goob fagaare ah lagu gubey .

Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Sareeye Guuto: Mascuud Maxamed Warsame iyo saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Bulshada Deegaanka War-xoolo kula hadley goob fagaare ah ayaa muujiyay in la joogo waqti Shabaab aysan awoodi karin in ay isku dhigaan Awooda Ciidanka qalabka sida..

Howlgalkan ayay sidoo kale ciidamadu ku gaareen Deeganada Ceelgod iyo Warar-dhuuma-leh oo dadka joogaa si diiran usoo dhoweeyeen socdaalka ciidamada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here