Jabuuti iyo Kenya oo ku Loollami Doona Kuraas Ka Bannaan QM

0

Waxaa tar-tan xooggani uu dhex mari doonaa waddamada Kenya iyo Jabuuti, Golaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa waxaa lagu wadaa in doortaan Shan Xubnood oo kamid ah kuraasta aan joogtada aheyn ee Golaha, Loolanka ugu adag ee ku tartamida kuraasta ayaa waxaa uu dhex-mari doonaa dalalka Jabuuti iyo Kenya,kuwaas oo haatan olole ballaaran ugu jira in mid kasta uu kursigaas ku guuleysto,waxaana Codka dhiibanaya 193 waddan.

Kenya iyo Jabuuti ayaa midkood waxaa uu bedeli doonaa dalka Koonfur Afrika oo waqtiga ka sii dhamaanaya, waxaana labadaan Dal ay ku biiri doonaan dowladaha ku Cusub Golaha, waxaana kamid ah Mexico, India, iyo midkood Canada/Ireland/Norway.

Sidoo  kale Dalalka Mexico iyo India ayaa iyana u tartamaya helida kuraasta Xubinimada Qaramada Midoobay,waxaana jorin loolan adag oo ay la kulmayaan maadama aysan jirin dalal la tartamaya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here