Xildhibaanadda Baarlamaanaka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan Ku yeelanaya Xaruntooda Magaaladda muqdisho.
Ajendaha Kulanka maanta ayaa ah akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, waxaana hindse sharciyeedka uu ka mid yahay sharciyada u baahan ansixinta ee horyaala Golaha Shacabka.
Xildhibaanadda Baarlamanaka ayaa xalay loo direy fariimo loogu sheegayay in uu jiro kulanka maanta ee Golaha shacabka,islamarkaana ay soo xaadiraan.
Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaala sharciyo muhiim u ah qabashada doorashada, waxaana 27-ka bishan oo ka harsan 10 maalmood loo balansan yahay khudbada ay jeedin doonto Xaliima Yarey oo ah Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka.

