iyadoo dhawaanahan Beelo walaalo ah uu shir nabadeed uga socday Bandiiradleey ayaa waxaa shirkaas laga soo saaray war-murtiyeed ay beelaha shirayay si wada jir ah usoo saareen.
waxaa ay isla meel dhigeen waxyaabo quseeya wada dagganaasha iyo waliba sidii nabad waarta loogu wada noolaa lahaa, maaddaama muddo dheer ay dirir xooggani ay soo dhexmaraysay labadaan beelood oo hadda u muuqda in ay isku soo dhawaadeen colaaddii ka dhaxaysana ay meesha ka baxi doonto.
waxaa la ballamiyay shir kale oo kan daba socda kaas oo la rajaynayo in qodobbo badan lagu dhamaystiro.




