madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay degaanka Bitaale ee Bariga Gobolka Mudug.
waxaa madaxweynaha socdaalkiisa ku weheliya qaar ka mid ah madaxda maamulka Galmudug, kuwaas oo qayb ka ah wafdiga madaxweynaha Qoor-Qoor lasocda.
maalmihi lasoo dhaafay Qoor-Qoor aya waday Socdaallo uu ku marayo degaanno ka tirsan Gobalka Mudug, sidoo Madaxweynaha ayaa lagu waddaa in maanta uu booqdo deganada kala ah Bitaale, Bandarqaali,Qoryaweyn, iyo Afbarwaaqo.

