C.kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay War-murtiyeed laga Soosaray Shirkii Bandiiradleey

0

madaxweynihii hore maamulka Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed ayaa bogaadiyay wada-hadalka u billawday beelaha walaalaha ah ee dhawaanahaan shirarku uga socdeen Bandiiradley.

“Waxaan bogaadinayaa soona dhaweynayaa baaqa iyo go,aamada ka soo baxay Shirweynahii Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta ee ka socday magaalada Bandiiradley ee gobalka Mudug.

Waxaan ku amaanayaa wax garadkii halkaas isugu tagay ee isugu jiray Siyaasiyiin, Nabaddoonno, Culumudiin, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo haween dhabar adeegga ay muujiyeen iyo guulaha ay gaareen.

Waxaa rajeynayaa in heshiiska iyo go,aamada dhaxalgalka ka ah ee halkaas ka soo baxay ay waxgaradka labada dhinac ka dhabeeyaan sidoodana u fuliyaan” ayuu yiri madaxweynihii hore maamulka Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here