Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Soo Dhaweeyay Guddiga Aqalka Sare uu Magacaabay

0

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo dhaweeyay Guddigii uu xalay magacaabay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/laahi kaasoo ka kooban 9 xubnood,waxayna ka shaqeyn doonaan isku keenista Madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Dowladd Goboleedyadda.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in uu soo dhaweynayo Magacaabista uu sameeyay Gudoomiyaha aqalka Sare, iyo dadaaladda aqalka sare.

“Waxaan soo dhoweynayaa guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka” ayuu yiri Shariif.

“Waxaan ka rajeyneynaa in labada dhinac ay muujiyaan tanaasul iyo in laga fikiro mustaqbalka Soomaaliya oo wadahadal iyo isqancin oo kaliya guul lagu gaari karo”ayuu yiri Shariif.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here