Al-shabaab oo Fuliyay Xukunno Dilal,Gacan Goyn iyo Karbaash ah

0

Al-shabaab ayaa xukunno dilal,gacan goyn iyo Karbaash,ka fuliyay degmooyin dhaca gobollada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

Xukunkaan ayaa ka dhacay shalay galinkii dambe Degmadda Kurtun Waareey, waxaana lug iyo gacan isdhaaf ah looga gooyay nin burcad ahaa oo dhac ugeysan jiray gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ganacsiga.

Dhanka kale fagaare ku yaala degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha dhexe waxaa shalay lagu dilay laba nin oo lagu eedeeyay in ay u shaqeynayeen sirdoonka dowladda Federaalka.

Axmed Max’med Foodeey iyo Cabdi Daahir Xiireey ayaa ladilay kadib markii gacanta lagusoo dhigay iyagoo askar u ah dowladda Federaalka Soomaaliya isla Shabeelaha dhexe waxaa 100 Jeydal lagula dhuftay wiil dhalinyara ah oo isagoo aan guur soo marin fal kufsi ah ugeystay qof dumar ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here