Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa magacaabay Guddiga Isu-keenista Madaxda Labada Heer dowladeed ee Federaalka iyo dowlad Goboleedyadda.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa lagu sheegay in Guddiga la magacaabay oo ka kooban 9-xubnood ay ka shaqeyn doonaan isku keenista Madaxda Labada Heer dowladeed ee Federaalka iyo dowlad Goboleedyadda.




