War Deg Deg:-Dagaal Ka Socda Magaaladda Muqdisho

0

Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kawada Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ka Socda Duleedka Degmadda deyniile ee Gobolka banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka Deegaanka dagaalka ayaa socda muddo daqiiqado ah,waxaana jira khasaare ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay
3 askari oo ka tirsan kuwa dagaalmaya halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen, walina rasaasta ayaa socoto.

Dagaalka Dayniile ka socdo ayaa u dhaxeeya Ciidammo ilaalo u kala ah Guddoomiyaha Degmada Dayniile Jacfar iyo Guddoomiyaha deegaanka Garisbaalley.

Xiisadda ayaa salka ku haysa Maamulka deegaanka Garisbaalley iyo degmada ay hoostagayaan.

Wixii kusoo kordha kala Simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here