Faah-faahin;-Qarax Lala Eegtay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Qaraxa ayaa lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidanka Xoogga Dalka oo marayay inta u dhaxeyso Deegaanada Gololey iyo Qalimow, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka,qaraxa ayaa khasaare dhimasho iyo dhaawac u geysatay ciidamadii lala eegtay.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaan wax war ah ka soo saarin qaraxa ciidamada lagula eegtay wadada dheer ee xiriirisa Balcad iyo Jowhar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here