Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday dugsiga Tababarka Degmadda Dhoobley halkaas oo Lagu Tababaro Ciidamadda Maamulka Jubbalanad iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shabaab ayaa la sheegay in ay dhowr jiho ka weerareen Saldhiga waxaana halkaas ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Labadda dhinac,kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Maamulka Jubbaland oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in la iska difaacay weerarka Shabaab soo qaadeen.
“Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Dhoobley ayaa iska caabiyay xalay weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen Dugsiga Tababarka ee Dhoobleey,Ciidanka Jubbaland oo qabay foojignaan dheeraad ah ayaa jilibka u aastay argagixisadda iyagoo markii dambe dhabarka ka jabiyay,Ilaa hadda miyiga fog ee Dhoobleey waxaa ay ciidanka Jubbaland ku daba jiraan haraadigii Shabaab-ka ee weerarka soo qaaday kuwaas oo goobta ka qaatay dhaawac iyo maydad”,ayaa lagu yiri warka.

