Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo rag hubeysnaa oo xalay ka dhacay Degmadda Holwadaag ee Magaaladda Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow isgoyska Baar Ubax.
Iska Hor imaadka ayaa u dhaxeeyay Laba Nin oo hubeysnaa kuwaasi oo la sheegay in ay dadka Mobiladda ka dhacayeen iyo Ciidamadda Booliska Soomaaliya oo kormeer waday.
Rasaas muddo kooban socotay oo dhexmartay Ciidamadda Booliska iyo ragga hubeysnaa ayaa geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa goobta lagu Toogtay mid kamid ah ragii hubeysnaa mid kalana waa la dhaawacay sida Booliska Sheegeen.

