Magaaladda Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeelanaya Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddiga ayaa ka arinsan doona xilliga rasmiga ah uu furmayo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ajendayaasha looga hadli doono kulamadda.
Sidoo kale Guddiga ayaa shaacin doona xiliga warbixinta laga dhageysan doono Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Yarey,taasi oo lagu wado in 27-ka bishaan ay hortagto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Shaki badan ayaa ka jira sida loo qaban karo Doorasho qof iyo cod sanadka 2021-ka,xili waqtiga harsan uu kooban yahay.

