Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Agagaarka Isbitaalka Digfeer Degmadda Hodan ee gobolka banaadir.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxa uu dhulka ku aasnaa islamarkaana lala eegtay gaari dagaal ay la socdeen ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana jiro khasaare ka dhashay.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Ma jiro cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay magaaldda muqdisho,balse shabaab ayaa inta badan sheegtay.
Agagaarka isbitaalka Digfeer Degmadda hodan waxaa dhowr jeer oo hore qaraxyo lagula eegtay ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya.

