Howgalka nabad ilaalinta midowga Africa Amisom ayaa sheegay in ay dileen xubno katirsan Alshabaab kuwaasi oo weerar kusoo qaaday saldhig ciidamadda maamulka jubbaland iyo kuwa Amisom ay ku lahaayeen deegaanka Bilis-qooqaani ee gobalka jubbada hoose.
Warsaxaafadeed kasoo baxay howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa Amisom ayaa lagu sheegay in Amisom ay iskadifaaceen weerar ay kusoo qaadeen dagaalyahannada Alshabaab kuwaasi oo ay sheegeen in dhowr jiho ay kasoo weerareen saldhig ciidamada jubbaland iyo kuwa Amisom ay ku lahaayeen deegaanka Billis-qooqaani waxa ayna intaas ku dareen in weerarka ay kudileen dhowr xubnood oo katirsan Alshabaab islamarkaana ay ku qabsadeen dhowr kamid ah qoryaha AK47 iyo rasaas iyagoona inaas kudaray in weerarka ay kaga dhaawacmeen 2 askari oo katirsan ciidamada maamulka jubbaland kuwaasi oo ay sheegeen in lagu dabiibayo isbitaal kuyaalla billis qooqaani sida ay kusheegeen warsaxaafadeed kasoo baxay Amisom.
Sidoo kale warsaxaafadeedka kasoo baxay howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ayaa lagu sheegay in Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara ayaa bogaadiyay tallaabada ay kagajaabeen taliska Amisom ee jubbada hoose weerarka lagu soo qaaday maalinimaddii jimcada aheyd sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa Amisom ee Somalia.

