Al-shabaab ayaa ka hadlay weerar ay ku qaadeen Saldhigyo Ciidamadda kenya ay ku leeyihiin Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya.
Weerarka ayaa lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Qorof Xarar ee gobolka Wajeer.
War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen laba saldhig islamarkaana ay gubeen xarun ay laheyd shirkadda isgaarsiinta Safaricom.
Shabaab ma aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ay ku qaadeen labadda Saldhig.
Dhanka kale warbaahinta kenya ayaa sheegtay in weerarka uu dhacay,islamarkaana khasaaraha la ogaan Karin.

